Maxay ka wada-hadleen guddiyada doorashooyinka & Lafta Gareen?

0

BAYDHABO (SMN) – Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa Baydhabo kula shiray madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) waxayna ka wada-hadleen xaaladaha soo kordhay ee doorashada.

Guddiyada doorashooyinka ayaa Lafta Gareen kala hadlay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee haatan ka socota magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale waxa ay si gaar ah diiradda u saareen wax ka qabashada cabashooyinka kasoo laabtay iyo sida wax loo maareeyay.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee guda-gala doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha ee 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here