Shirkadaha bixiya adeegga Korontada oo qiimo kordhin sameeyey + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Shir ay maanta Muqdisho ku yeesheen madaxda shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee kala ah Beco, Muqdisho Power iyo Blue Sky ayaa waxa ay kaga hadleen sare u kaca qiimaha shidaalka, kaasi oo saameyn ku yeeshay bixinta adeegga Korontada.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa si weyn u saameeyey qiimaha shidaalka caalamka, iyada oo uu sare u kac xoog leh uu ku yimid qiimaha shidaalka ee suuqyada.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ku aadan qiimaha bixinta adeegga Korontada, iyada oo lagu kordhiyey qiimo gaaraya 10 sinti, halkii kiilowaat.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here