Shirweynaha 5-aad ee Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Shirka 5-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada ayaa maata ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

 

Madashan Ballaaran oo socon doonta muddo labo cisho ah ayaa ah tii Shanaad (5) oo ay yeeshaan Wasaaraddaha Caafimaadka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed taas oo looga hadlayo horumarinta qeybta Caafimaadka guud ee Dalka.

Madasha waxaa si wadajir ah u furey Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug H.E Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Adan.

Madasha Waxaa kasoo qeybgaley Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Wasiiradda Caafimdaa Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya agaasimayaal iyo khuburo dhanka Caafimaadka ah.

Madasha inta ay socoto ayaa lagu lafa guri doonaa qodobo waa wayn oo horey uga soo baxay Shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir oo ahaa qodobo aas aas u ah horumarinta Caafimaadka iyo ka dhabeynta ta hiigsiga dhow ee isbadalka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Shirka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa howlaha hortabinta leh ee horyaala Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada  iyo wixii ka qabsoomey qodobadii horey hoosta looga xariiqey ee ay ka mid ahaayeen daadejinta barnaamijka Caafimaadka ee heer Dowlad Goboleed.

Madaxwaynaha Dowlad gobleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaar ayaa sheegey in maamulkiisa uu ka go’an yahay horumarinta Caafimaadka si buu yiri bulsha waynta Soomaaliyeed u helaan Caafimaad dhamaystiran iyadoo laga amba qaadayo geediga horey usoo socdey ee horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan oo furey Shirka ayaa sheegey in si dhab ah ay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ula shaqeyn doonta Wasaaradaha Caafimaadka ee Maamul Goboleedayada maadaama Bushada Soomaaliyeed ay u baahi qabaan adeegyada Caafimaadka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in Mashaariicda horyaala Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha Dowlad Goboleedya si Bulshada Soomaaliyeed u helaan adeeg Caafimaad oo dhaneystiran.

Wasaaradda Caafimaad waxay sii amba qaadi doontaa dadaaladii horey u socdey ee horumarinta Caafimaadka, iyadoona xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay Maanulada ka jira Dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here