SoDMA iyo Dowlad-goboleedyada oo Baydhabo uga qeyb galaya Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (

0

Baydhabo – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu qaban doono Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026).

 

Wafdiga waxaa qeyb ka ah Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedyada dalka, waxaana Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa sheegay in shirka uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda howlaha bani’aadannimada ee dalka.

Ugu danbeyn,Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay maamulka Koonfur Galbeed soo dhoweynta ay u sameeyeen wafdiga, isagoo xusay in madashan ay muhiim u tahay mideynta dadaallada lagu horumarinayo u diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.May be an image of suit and weddingMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here