Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xarigga ka jaray qeybta cusub ee caafimaadka dhimirka haweenka ee Isbitaalka Laansaleeti

0

MUQDISHO – Ra”iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmad Jaamac ayaa maanta xariga ka jaray isbitaalka Laansaleeti gaar ahaan qeybta dhimirka ee Haweenka oo lagu sameeyay daayac-tir iyo dib u nashqadeen balaaran.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, casri ah, isla markaana loo siman yahay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyey dawladda Talyaaniga oo ka qeyb qaadatay hirgelinta mashruucan, isagoo xusay in dowladda ay sii wadi doonto dib-u-dhiska xarumaha caafimaadka si loo xoojiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Xukuumadda Dan-qaran ayaa dardar xoogan ku wada kor u qaadista Ageegyada dadweynaha si Bulshadu hesho adeeg hormarsan oo waxtar leh.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here