Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha degdegga ah ee bani’aadannimo, gaar ahaan saadaasha El Niño, doorka Ciidanka Badda iyo diyaar-garowga looga hortagayo saameynta fatahaadaha iyo roobabka xooggan.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo heli lahaa qorshe mideysan oo ay ciidamada dalku qeyb uga yihiin diyaar-garowga iyo gurmadka, si loo xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo dadka nugul, gaar ahaan bulshada ku nool xeebaha iyo goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan.
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan Hay’adda SoDMA iyo qorshaha qaran ee diyaar-garowga.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Ciidanka Badda iyo hoggaankooda ku bogaadiyay diyaar-garowgooda, isagoo ku boorriyay inay muujiyaan firfircooni iyo dadaal dheeraad ah oo lagu badbaadinayo shacabka iyo yareynta saameynta musiibooyinka dabiiciga ah.





