Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo xirayay tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab.
Intii ay socotay munaasabadda xiritaanka tababarka, ciidamada ayaa soo bandhigay dhoollatusyo iyo bandhigyo milatari oo muujinayay heerka tababarka, diyaar-garowga iyo awoodda hawlgal ee ay gaareen. Madaxda ayaa dhageystay warbixinno ku saabsan tababarka iyo natiijooyinkii laga gaaray, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ay ciidamada ka kororsadeen muddadii uu tababarku socday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, isagoo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay ilaaliyaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabadda xiritaanka tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, laguna xoojinayo awooddooda, diyaar-garowgooda iyo kartidooda ay ugu adeegayaan difaaca dalka.







