SoDMA oo daah-furtay mashruuc lacageed oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon ah

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah, si looga caawiyo daboolidda baahiyahooda nololeed ee aasaasiga ah.

 

Mashruucan waxaa taageeraya Hay’adda IHH ee dalka Turkiga, oo muddo dheer ka shaqaynaysay arrimaha bani’aadannimada iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha IHH iyo barnaamijyada lagu daryeelo Agoonta iyo carruurta nugul, isagoo bogaadiyay dadaallada hay’addu ku bixiso garab istaagga dadka danyarta ah iyo kuwa nugul.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Hay’adda IHH, dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha samafalka si taageero loo gaarsiiyo dadka u baahan.May be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎بقفا İNSANi YARDIM iHH ФΟH VAKF ANKARA ŞUBES 排 SADKA 'ETİM GİYDİI SOMALI SOMALI-2026 2026‎"‎‎May be an image of one or more people and text that says "mirates FCL BETILA IHE"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here