Muqdisho – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa degmada Kaxda ka bilowday wajiga koowaad ee qaybinta deeq gargaar raashin ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah, dadka ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo iyo dadka naafada ah.
Deeqdan ayaa ka kooban noocyo kala duwan oo raashin ah, waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska nugul si ay uga soo kabtaan xaaladaha adag ee ay wajahayaan.
Munaasabadda daahfurka qaybinta gargaarkan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, guddoomiyaha degmada Kaxda, Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi, iyo agaasimaha Gargaarka SoDMA, Sahro Cali Yuusuf.
Gargaarkan ayaa ka kooban cuntooyinka daruuriga ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo dhibaatooyinka haysta qoysaska nugul, lana taageero dadka u baahan gargaarka bani’aadannimo.




