SoDMA oo gargaarka bini’aadantinimo gaarsiisay degmada Jalalaqsi

0

Jalalaqsi  –  Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Hirshabelle, ayaa degmada Jalalaqsi ka fulisay wajiga labaad ee gargaarka loogu talagalay dadka ay abaaruhu si daran u saameeyeen.

 

Gargaarkan, oo qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu taageerayo bulshada nugul, ayaa waxaa ka faa’iideystay 2,009 qoys, kuwaas oo u mahadceliyay SoDMA iyo bah-wadaagta taageertay.

Qoysaska la gaarsiiyay ayaa sheegay in gargaarku uu yimid xilli ay aad ugu baahnaayeen, maadaama xaaladaha nololeed ay ugu darnayeen saameynta abaarta sii fidaysa.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Nuur Dheere, ayaa bogaadiyay dadaalka iyo hufnaanta ay ku shaqeynayaan SoDMA, isaga oo xusay in gargaarka loo gaarsiiyay bulshada si habsami leh oo nidaamsan.

Mashruuca gargaarka ayaa waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), iyadoo loo sii marayo African Risk Capacity (ARC).

Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in gargaar degdeg ah iyo naf-badbaadin leh uu gaaro dadka u baahan, gaar ahaan bulshada ay abaaruhu ku dhuftay deegaannada Hirshabelle.

Gargaarkan ayaa qayb ka ah qorsheyaasha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka ay ku yareynayaan dhibaatooyinka ay sababeen isbeddelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here