SoDMA oo London Looga Daah-furay Xarunta Isku-xirka Gurmadka Degdegga ah

0

London, UK – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada London ee Boqortooyada Midowday uga qayb gashay munaasabad lagu daah-furay Xarunta Isku xidhka Gurmadka Qurbajoogta Soomaaliyeed (SODECH), oo loogu talagalay xoojinta isku-xirka iyo iskaashiga dhinacyada ku lugta leh gurmadka iyo maareynta musiibooyinka.

 

Munaasabadda ayaa waxaa soo qabanqaabiyay IOM UK iyo IOM Soomaaliya, waxaana ka qayb galay hoggaamiyeyaal ka tirsan qurba-joogta Soomaaliyeed, hay’adaha bani’aadannimada iyo daneeyayaal kale. SODECH ayaa diiradda saaraya ka faa’iideysiga aqoonta, khibradda, xiriirrada iyo taageerada ay hayaan qurba-joogta Soomaaliyeed, si loogu taageero diyaar-garowga musiibooyinka, gurmadka degdegga ah iyo dhismaha adkeysiga bulshada.

Hay’adda SoDMA ayaa soo dhaweysay aasaaska SODECH, iyadoo adkaysay muhiimadda ay qurba-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin taageerada dadaallada bani’aadannimo iyo maareynta musiibooyinka. SoDMA ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay SODECH, IOM iyo bah-wadaagta qurba-joogta Soomaaliyeed, si loo horumariyo isku-xirka iyo taageerada gurmadka bani’aadannimo.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here