Golaha Wasiirrada KGS oo Looga Hadlay Amniga iyo Geeddi-socodka Dib-u-heshiisiinta

0

Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada maamulka, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.

 

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiirradu ay qiimeeyeen dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga hadlay gogosha iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo wada-hadal loo dhan yahay, is-afgarad siyaasadeed iyo mid bulsho, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hannaan nabadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-qancin.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiintu ay yihiin tiirarka aas-aaska u ah horumarka iyo xasilloonida Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Koonfur Galbeed ay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo bulshada, lagu xoojinayo dowladnimada iyo lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada maamulka.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here