Kenya. Mombasa – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalay fadhiga heerka sare ee wasiirrada Madasha 2-aad ee Bariga Afrika ee Tallaabooyinka Ka-hortagga Saameynta Musiibooyinka (EADP2), kaas oo 30-kii Oktoobar 2026 lagu qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Fadhiga waxaa ka qaybgalay wasiirrada qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo maareynta musiibooyinka ee Koonfurta Suudaan iyo Uganda, Wasiirka Deegaanka Kenya, Xoghayaha Fulinta ee Maareynta Musiibooyinka Jabuuti, Guddoomiyaha Maareynta Musiibooyinka Suudaan iyo Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.
Doodaha madasha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada digniinta hore, ku darista ajandaha Tallaabooyinka Ka-hortagga Saameynta Musiibooyinka (Anticipatory Action) siyaasadaha qaranka, iyo helidda maalgelin lagu fuliyo tallaabooyin ka-hortag ah ka hor inta aysan khataruhu isu beddelin musiibooyin.
Soomaaliya ayaa madasha ku xaqiijisay ballanqaadkeeda ku aaddan qarameynta ajandaha Anticipatory Action, hirgelinta Khariidadda Qaran, xoojinta isku-duwidda iyo isla-xisaabtanka, iyo kordhinta maalgelinta gudaha oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamiga ah.
Ballanqaadyadan ayaa ujeeddadoodu tahay in dowladda ay hoggaamiso qorsheynta iyo fulinta tallaabooyinka ka-hortagga musiibooyinka, iyadoo hirgelintoodu ka dhacdo heer deegaan.




