Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed oo xilka la wareegay

0

Muqdisho – Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdulqaadir Shariif Bocorrey, ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidanka, Sareeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.

 

Labada taliye ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha iyo xafiisyada kala duwan ee Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, kuwaas oo uu taliyihii hore muddadii uu xilka hayay ku sameeyay horumarin iyo qalabeyn.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qaybgalay guddiga xil-wareejinta oo ka socday saraakiisha hoggaannada Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan talisyada iyo hoggaannada maamulka ee CXDS, iyo saraakiisha Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Gabagabadii munaasabadda, xilka waxaa si rasmi ah u kala wareejiyay taliyaha cusub iyo taliyihii hore, iyadoo xil-wareejinta uu guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta, Sareeye Gaas Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood).

Taliyaha cusub ayaa loo rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka iyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, gaar ahaan hoggaaminta, dib-u-dhiska awoodda iyo horumarinta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, si loo xoojiyo amniga badaha, difaaca xeebaha iyo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliyeed.

May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here