Beledweyne – Masuuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo safar shaqo ku jooga magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa wacyigelin iyo u kuurgelid ku sameeyay xaaladda deegaanada ku teedsan magaalada.
Masuuliyiinta ayaa booqday deegaanada Leebow iyo Shiniile, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka deegaanka iyo bulshada, iyagoo la wadaagay xog ku saabsan saadaasha El Niño iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee looga baahan yahay bulshada si loogu diyaar garoobo saameyn kasta oo ka dhalan karta.
Guddoomiyaasha deegaanada ayaa bogaadiyay dadaallada SoDMA ee ku aaddan wacyigelinta iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, waxayna masuuliyiinta la wadaageen warbixinno ku saabsan xaaladda deegaanka iyo baahiyaha bulshada.
Maareeye Xasan Ciise iyo Agaasime Cabdifataax oo ka socday SoDMA ayaa bulshada gaarsiiyay wacyigelin ku saabsan khataraha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha. Waxay ugu baaqeen bulshada inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan xaaladda, isla markaana ay furaan oo nadiifiyaan biyo-mareennada iyo waddooyinka gurmadka, si loo yareeyo khatarta fatahaadaha loona fududeeyo gurmadka haddii xaalad degdeg ah timaado.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha dowladda ee lagu yareynayo saameynta xaaladda El Niño, iyadoo Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin Beledweyne, si loo dardargeliyo dadaallada u diyaar-garowga iyo wacyigelinta bulshada. 





