Somalia oo mar kale ka codsatay Golaha Ammaanka qaadista cunqabateynta hubka

0

NEW YORK (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee QM, Abuukar Daahir Cusmaan ayaa khudbad shalay uu u jeediyay Gollaha amaanka ku baaqay in dalka laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran tan iyo 1992-dii.

 

Abuukar Baalle ayaa ka warbixiyay xaaladda SSC-Khaatumo, qeyb ka ahayd “Warbixintii Soomaaliya” ee ergayga QM Katriina Ling siisay Gollaha amaanka oo horey u cambaareeyay duqeymaha Somaliland ee Laascaanood iyo xasuuqa shacabka uga geysatay magaaladaasi.

Danjiraha ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran mudada dheer, isagoo tusaale u soo qaatay isbadalka iyo horumarka dalka ka jira, kaasoo ku yimid dadaallada dowladda ay sameysay ee sugida amniga.

Wuxuu soo dhaweeyay aqoonsiga maamulka ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo, wuxuuna ku booriyay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan Maamulkan cusub si waafsan siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dadaal wadajir ah ee dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada Beesha Caalamka ee la dagaalanka Al-Shabaab, oo uu sheegay in khatar ku yahay amniga dalka iyo midka gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here