Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo la kulmay xoghayaha joogtada ee Ururka OIC

0

JIDDAH (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Xoghayaha Ururka Iskaasdhiga Islaamka Dr Xuseen Ibraahim Taah.

 

Wasiirka iyo Xoghayaha ururka OIC,waxa ay kulankaasi kaga hadleen doorka ururkaasi uu ku leeyahay wadamada islaamka iyo kaalinta uu ka qaadan karo horumarinta barnaamijyada samofal iyo kuwa horumarineed,gaar ahaan Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Ku xigeenka ergayga joogtada Soomaaliya ee  ururkaasi C/raxiin Cismaan Cilmi,isagoo ka warbixiyay dadaalka dowladda iyo howlgallada looga horjeedo kooxaha nabad-diidka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa booqasho ku tagay xarunta Qunsuliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jiddah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here