Somaliland oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay Hargeysa

0

HARGEYSA (SMN) – Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Mooge ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaraha ka dhashay dabkii 48-da saac baxayay ee qabsaday suuqa weyn ee Hargeysa ee Waaheen in uu gaarayo lacag dhan illaa $2 bilyan oo Dollar.

Dhanka kale waxaa weli socda dedaaladii gebi ahaanba lagu baqtiinayay dabka, laguna nadiifinayay burburkii weynaa ee ka dhashay.

Hawlaha gurmadka iyo tirakoobka ayaa weli socda, iyada oo dalal iyo hay’adaba ay ku lug leeyihiin ka jawaabista masiibadani.

Sida ay baahinayso warbaahinta, shakiga ugu weyn waxa uu ku dhacayaa tasiilaad xumada suuqa, sida waddooyinka iyo qaabkiisa dhismaha oo ahaa mid isku raran oo ay adagtahay in la kala badbaadiyo haddii dab koco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here