Soomaalida oo ka qeyb gashay dibadbax ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka dhacay Geneva

0

GENEVA – Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa ka qeyb gashay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaas oo lagu eedeeyay inuu hurinayo xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka Geeska Afrika.

 

Dibadbaxa oo dhacay 13-kii Nofeembar ayaa waxaa ka qeyb galay dad ka soo jeeda bulshooyinka Eritrea, Tigray, Amxaarada, Soomaalida iyo Suudaan, kuwaas oo ku dhawaaqayay hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Joojiya dagaalka” iyo “Joojiya xasuuqa”, iyagoo sidoo kale watay boorar ay ku qornaayeen “Haa nabadda, maya dagaalka”.

Dadka dibadbaxa dhigay ayaa si gaar ah uga digay hadallada dagaal-kicinta ah ee ka imaanaya dowladda Itoobiya, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo nabadda, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka.

Qabanqaabiyeyaasha dibadbaxa ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka iyo hadallada siyaasadeed ee dowladda Abiy Axmed ay halis ku yihiin xasilloonida gobolka, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Intii uu socday dibadbaxa, ka qeybgalayaashu waxay saxiixeen codsi rasmi ah oo loo gudbiyay xafiiska Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu dalbanayay in wax laga qabto xaaladda colaadeed iyo xadgudubyada laga cabsi qabo inay ka dhacaan gobolka.

Dibadbaxan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara, iyadoo Itoobiya ay Eritrea ku eedeysay faragelin militari iyo taageeridda xoogagga Tigrayga, halka Eritrea ay dhankeeda Itoobiya ku eedeysay damac ku aaddan dekedda Assab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here