Addis Ababa – Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, Marshal Birhanu Jula, ayaa dowladda Masar ku eedeeyay inay taageero militari iyo mid saadka ah siiso Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigreega (TPLF), xilli ay dib u soo cusboonaadeen dagaallada u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo dagaalyahannada Tigreega.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa, Birhanu Jula ayaa sheegay in dowladda Eritrea ay hoggaaminayso weerarro cusub oo ay dagaalyahannada TPLF ku qaadeen fariisimaha dowladda ee gobollada Amxaarada iyo Canfarta, halka Masar uu ku eedeeyay inay dhaqdhaqaaqaasi siiso taageero saadka ah.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada federaalka ay iska caabiyeen weerarkii ugu dambeeyay, kaas oo uu ku tilmaamay kii afraad ee noociisa ah ee lagu qaado fariisimaha milatari ee labada gobol.
Waxa uu intaas ku daray in saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada weerarka soo qaaday ay dib ugu carareen dalka Eritrea kaddib markii laga adkaaday, halkaas oo ay gabaad ka dhigteen goobo kala duwan oo ay ku jirto caasimadda Asmara.
Dowladda Masar ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha ugu dambeeyay, balse Qaahira ayaa horay u beenisay sheegashooyinka la xiriira ku lug lahaanshaha colaadaha gudaha Itoobiya, iyadoo marar kala duwan ku celisay mowqifkeeda ah inaysan faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale.
Bishii Sebtembar ee sanadkan, ilo-wareed sare oo Masri ah ayaa sidoo kale beeniyay jiritaanka xiriir u dhexeeya Qaahira iyo qalalaasaha ka jira gobolka Tigreega, isaga oo eedeymaha Itoobiya ee ku saabsan taageerada Masar ee TPLF ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn.
Eedeymahan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ay dib u soo xoogeysanayaan iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo dagaalyahannada Tigreega, kaddib markii uu sii daciifay heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii ka socday waqooyiga Itoobiya intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.
Heshiiska Pretoria oo la saxiixay bishii Nofeembar 2022, iyadoo dhexdhexaadin ay sameysay Midowga Afrika, ayaa soo afjaray dagaal sababay dhimasho badan, barakac iyo burbur baahsan. Hase yeeshee, khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee la xiriira maamulka gobolka Tigreega iyo mustaqbalka ciidamada deegaanka ayaa weli caqabad ku ah hirgelinta heshiiska.
Dhanka kale, xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sii kordheysa, gaar ahaan muranka la xiriira damaca Itoobiya ee helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas. Labada dal ayaa is dhaafsaday eedeymo ku saabsan taageerada kooxaha hubaysan ee ka howlgala dhulkooda iyo deegaannada xuduudaha ku dhow.
Marshal Birhanu Jula ayaa hore sidoo kale ugu eedeeyay Masar, Eritrea iyo Suudaan inay taageero siiyaan kooxaha hubaysan ee ka dagaallamaya gudaha Itoobiya, isaga oo ku dooday in TPLF aysan sii wadi karin howlgalladeeda militari haddii aysan jirin taageero dibadeed.




