Soomaaligii ugu horreeyay oo ka mid noqday baarlamaanka Nova Scotia

0

Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada.

Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale ayaa helay 40.2% codadkii la dhiibtay. Cali ayaa ka tirsan xisbiga Liberal-ka.

Julie Melanson oo ka tirsan xisbiga NDP ayaa heshay 34.2%, halka Richard MacLean oo ka tirsan xisbiga Progressive Conservative ee ku guuleystay talada gobolka uu helay 22.1%.

Sidoo kale Cali Ducaale ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here