Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka baarlamaannada labada dal

0

MUQDISHO — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Aljeeriya, Dr. Khaliida Bufdaash, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga baarlamaannada.

 

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen rabitaanka ah in baarlamaannadoodu iska kaashadaan arrimaha mudnaanta u leh labada waddan.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isku raacay in la dhiso guddi saaxiibtinimo oo ay wadaagaan baarlamaannada Soomaaliya iyo Aljeeriya, si loo xoojiyo xiriirka labada gole, loona abuuro fursado cusub oo iskaashi iyo is-dhaafsi khibradeed.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, uu booqasho rasmi ah ku tago Aljeeriya, taas oo qayb ka noqon doonta dadaallada lagu horumarinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo Soomaaliya iyo Aljeeriya ay doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, isla markaana ballaariyaan iskaashiga hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan baarlamaannada labada waddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here