NAIROBI, KENYA – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya UN-Habitat, Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda dalal horay iyo kuwa hadda hoggaaminaya Kooxda Shaqada Guriyeynta ee UN-Habitat.
Kulanka waxaa ka qeybgalay wakiillada dalalka Kenya iyo France oo hore u soo hoggaamiyey Kooxda Shaqada Guriyeynta, Canada iyo Costa Rica oo noqonaya hoggaanka cusub, iyo sidoo kale Agaasimaha Fulinta iyo Xoghaynta UN-Habitat.
Kulankan oo qabsoomay xilli uu socday kalfadhiga saddexaad ee Kooxda Shaqada ee Guriyeynta Ku Filan ee Dadka oo dhan (OEWG-H), ayaa diiradda lagu saaray hindisaha lagu dhisayo Kooxda Saaxiibbada Guddoomiyeyaasha (Group of Friends of the Co-Chairs), si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed, iskaashiga caalamiga ah, abaabulka dhaqaalaha iyo horumarinta ajandaha caalamiga ah ee guriyeynta, xitaa wixii ka dambeeya sannadka 2030.
Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyey dowladda Azerbaijan iskaashiga iyo wada-shaqeynta ay la leedahay Soomaaliya ee hoggaaminta Kooxda Shaqada, isaga oo sidoo kale bogaadiyey doorkii ay dalalka Kenya iyo France ka qaateen aasaaska iyo horumarinta hannaankan.
Danjiraha ayaa sidoo kale mahadnaq u jeediyey Agaasimaha Fulinta iyo Xoghaynta UN-Habitat, dadaallada joogtada ah iyo taageerada ay ka geystaan shaqada iyo hoggaaminta Kooxda Shaqada.
Dowladda Soomaaliya ayaa kulanka ku xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta dalalka xubnaha ka ah UN-Habitat iyo dhammaan bah-wadaagta caalamiga ah, si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo in qof walba helo hoy ku filan, ammaan ah oo la awoodi karo.




