NEW DELHI, HINDIYA – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Shirka 25-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Badweynta Hindiya (IORA), kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, waxaana ka qeyb galay dalalka xubnaha ka ah ururka iyo bah-wadaagtiisa.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa Soomaaliya ku matalay shirka, isaga oo khudbad uu ka jeediyey kaga hadlay muhiimadda amniga badda, ilaalinta khayraadka badaha, la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo sugidda marinnada ganacsiga caalamiga ah.
Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay dhowrista madax-bannaanida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in iskaashiga dhinaca badda lagu saleeyo shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.
Intii uu ku sugnaa magaalada New Delhi, Cali Balcad ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Hindiya, Mudane Pabitra Margherita, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo diblomaasiyadda.




