Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada-hadlay iskaashiga labada wadan

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay oo Axad ahayd (21 November) ku qaabilay magaalada Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Faransiiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Aline Kuster-Menager.

Balal Maxamed ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah iyo arrimo kale oo ahmiyad leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga amniga, xiriirada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha abuuritaanka iskaashi faa’iido u leh labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here