Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Soomaaliya iyo Hindiya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada qunsuliyadda.

 

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Pabitra Margherita.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hindiya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee hore loogu saxiixay magaalada Muqdisho, kaas oo saldhig u noqonaya horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dowladood.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa isla soo qaaday sameynta guddiyo farsamo oo wadajir ah, kuwaas oo qaabilsanaan doona isku dubbaridka iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, arrimaha qunsuliyadda iyo waxbarashada.

Guddiyadan ayaa la filayaa inay door ka qaataan sidii loo aqoonsan lahaa fursadaha iskaashi ee labada dal, loo dardargelin lahaa fulinta heshiisyada jira, isla markaana loo xaqiijin lahaa in qorshayaasha la isla meel dhigay ay isu beddelaan mashaariic iyo waxqabad muuqda.

Labada mas’uul ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in heshiisyada iyo is-afgaradyada ay labada dal kala saxiixdeen aanay ku ekaan qoraallo iyo ballanqaadyo diblomaasiyadeed, balse loo beddelo waxqabad miro-dhal ah oo faa’iido u leh shacabka Soomaaliya iyo Hindiya.

Kulankan ayaa muujinaya dadaallada ay labada dowladood ku doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda, iyagoo mudnaan siinaya iskaashi wax-ku-ool ah oo ka hirgala dhinacyada muhiimka u ah horumarka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here