NAIROBI, Kenya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in bisha Janaayo 2027 ay bilaabi doonto bixinta baasaboorka elektaroonigga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaddib markii la dhammaystiray soo saaristiisa.
Dukumentigan cusub ayaa la filayaa inuu tallaabo muhiim ah ka noqdo dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan isdhexgalka gobolka iyo la jaanqaadidda nidaamyada socdaalka iyo xuduudaha ee dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika.
Baasaboorka cusub ayaa lagu xiri doonaa nidaamka aqoonsiga qaranka Soomaaliya, taas oo la filayo inay fududeyso xaqiijinta aqoonsiga dadka safarka ah iyo bixinta adeegyada la xiriira dukumentiga.
Sidoo kale, adeegyada bixinta baasaboorka ayaa la filayaa in laga helo safaaradaha iyo xarumaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku leedahay dalalka dibadda, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool waddamada kale ay iyaguna u helaan dukumentigan.
Baasaboorka elektaroonigga ah ee EAC waxaa loogu talagalay inuu fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka, kor u qaado ganacsiga xuduudaha isaga gudba, isla markaana ballaariyo fursadaha shaqo iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee gobolka.
Waxaa sidoo kale la doonayaa inuu gacan ka geysto xoojinta amniga xuduudaha iyo hagaajinta nidaamyada lagu maareeyo socdaalka dadka u kala gudbaya dalalka xubnaha ka ah ururka.
Soomaaliya ayaa ku biiraysa dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Burundi, kuwaas oo hore u bilaabay bixinta baasaboorka mideysan ee Bulshada Bariga Afrika.
Hirgelinta dukumentigan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan ka faa’iideysiga fursadaha dhaqaale, ganacsi iyo isu-socod ee ka dhashay xubinnimadeeda Bulshada Bariga Afrika.
Soomaaliya waxay si rasmi ah xubin buuxda uga noqotay EAC bishii Maarso 2024, kaddib markii ay dhammeystirtay hannaankii ku biirista ururka.



