Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay amniga iyo diyaar-garowga AUSSOM

0

MUQDISHO — Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amniga dalka iyo xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dadaallada looga hortagayo burcad-badeednimada iyo dambiyada kale ee khatarta ku ah amniga iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshayaasha iyo diyaar-garowga la xiriira marxaladda kala-guurka ee AUSSOM iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.

Wasiirka iyo safiirka ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in la xoojiyo hay’adaha amniga Soomaaliya, iyadoo la sii wado iskaashiga iyo taageerada ay bixiyaan saaxiibbada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saartay dhismaha awoodda ciidamada iyo hay’adaha amniga, iyadoo isu diyaarinaysa in ay si weyn ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray xasilloonida dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Jarmalka ee la-dagaallanka dambiyada ka gudba xuduudaha.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga, xasilloonida iyo la-dagaallanka dambiyada.

Ma jirto faahfaahin laga bixiyay heshiis cusub oo labada dhinac ay kulanka ku gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here