Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga duulista iyo dib-u-soo-celinta Somali Airlines

0

El Alamein, Masar – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa magaalada El Alamein ee dalka Masar kaga qeybgalay Shirweynaha Caalamiga ah ee International AirShow, oo ay isugu yimaadaan wasiirrada gaadiidka iyo duulista, madaxda duulista rayidka ah iyo masuuliyiinta hay’adaha maamula hawada iyo duulimaadyada.

 

Intii uu socday shirweynaha, Wasiiru-dowlaha ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Masar, Dr. Samix Xanafi, iyadoo labada masuul ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinaca duulista iyo horumarinta adeegyada gaadiidka cirka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay qorshayaasha lagu horumarinayo duulista rayidka ah ee Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood, iyadoo Masar ay leedahay khibrad dheer oo dhinaca duulista iyo maamulka garoomada diyaaradaha ah.

Mid ka mid ah qodobadii muhiimka ahaa ee kulanka looga hadlay ayaa ahaa qorshaha dib-u-soo-celinta Somali Airlines, iyadoo Wasiiru-dowlaha uu Masar la wadaagay xog ku saabsan halka uu marayo qorshaha dib loogu soo celinayo shirkadda diyaaradaha qaranka Soomaaliya.

Masar ayaa dhankeeda ballanqaadday inay Soomaaliya khibrad iyo taageero farsamo kaga caawin doonto qorshayaasha la xiriira horumarinta duulista rayidka ah, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Taageerada Masar ayaa qeyb ka noqon karta dadaallada Soomaaliya ay ku horumarinayso kaabeyaasha duulista, korna ugu qaadeyso tayada adeegyada garoomada iyo maamulka hawada.

Ugu dambeyn, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Masar garab istaagga iyo taageerada uu u fidiyo horumarinta duulista Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo duulista rayidka ah, dib loogu soo celinayo shirkaddii diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines, isla markaana lagu casriyeynayo kaabeyaasha iyo adeegyada garoomada diyaaradaha dalka.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here