Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay danaha labada dal

0

Nairobi, Kenya – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi kulan kula qaatay Danjire Danlami Ibrahim, Danjiraha Nigeria u fadhiya Kenya, isla markaana ah Danjiraha aan degganayn (Concurrent Ambassador) u qaabilsan Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa labada Danjire si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Nigeria, iyo sidii loo sii horumarin lahaa danaha labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa Danjire Danlami Ibrahim uga mahadceliyay booqashadiisa iyo waqtiga uu u huray kulanka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria.

Bilaha soo socda ayaa labada dal qorsheynayaan inay qabtaan kulamo lagu horumarinayo ganacsiga labada dal, kuwaas oo ka kala dhici doona Soomaaliya iyo Nigeria. Fursaddan ayaa sare u qaadi karta ganacsiga labada dal, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigoodu uu horay ugu fiday dalalka Afrika.

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Nigeria.May be an image of one or more people, suit and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here