Geneva, Switzerland – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan-doceed heer sare ah oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, kaas oo looga hadlay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya, horumarka laga sameeyay iyo hannaanka kala-guurka xuquuqul insaanka.
Kulanka ayaa ka dhacay inta lagu guda jiray kalfadhiga 63-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka, waxaana sidoo kale diiradda lagu saaray dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Wasiiradda ayaa sheegtay in Soomaaliya, markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano, ay si toos ah warbixinnadeeda ugu gudbinayso hannaanka rasmiga ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka iyo habraacyada warbixinnada Golaha. Waxay tilmaantay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si joogto ah uga qaybqaadato nidaamka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, isla markaana ay sii waddo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah.
Amb. Khadiija ayaa sidoo kale xustay muhiimadda Qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka ee 60/28, kaas oo ay sheegtay inuu qayb muhiim ah ka yahay jihada iyo dadaallada la xiriira marxaladda kala-guurka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dardargelinta furitaanka Xafiiska OHCHR ee Muqdisho. Wasiiradda ayaa si gaar ah u adkaysay in hannaanka kala-guurku uu muhiim u yahay marxaladda cusub ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay arrin si weyn uga dhex muuqan doonta doodaha iyo hawlaha kalfadhiga 63-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva iyo kulamada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.
Waxay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si mas’uuliyad leh u qaadato doorkeeda ka dhashay hannaanka kala-guurka, iyadoo sii xoojinaysa hay’adaha qaranka iyo hannaanada lagu ilaalinayo laguna horumarinayo xuquuqul insaanka. Ugu dambeyn, Wasiiradda ayaa caalamka la wadaagtay horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhismaha hay’adaha xuquuqul insaanka iyo horumarinta shuruucda muhiimka ah, gaar ahaan hirgelinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Waxay caddeysay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibbada Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay siinayaan dalka. Wasiiradda ayaa ku soo gabagabeysay in iskaashiga caalamiga ahi uu muhiim u yahay guusha iyo sii ambaqaadka hannaanka kala-guurka iyo xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya.




