Soomaaliya oo Cambaareysay Weerar Lagu Qaaday Xarun Koronto oo u Adeegta Masjidka Nabiga

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar lagu qaaday xarun koronto oo bixisa adeegga korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee magaalada Madiinah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday kaabayaasha rayidka ah ee u adeegaya mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka uu yahay meel ka dhac ku ah karaamada iyo xurmada goobaha barakeysan. Wasaaraddu waxay sidoo kale weerarka ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya, iyadoo taageertay dadaallada Riyadh ay ku ilaalinayso madaxbannaanideeda iyo amnigeeda, iyo sidoo kale badbaadada muwaadiniinta, dadka deggan iyo dadka booqanaya goobaha barakeysan. Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa sidoo kale sheegtay inay si cad uga soo horjeeddo dhammaan falalka khatarta ku ah xasilloonida gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ugu dambeyn ku baaqday in lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysa weerarka, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta goobaha barakeysan iyo kaabayaasha rayidka ah.May be an illustration of map and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here