Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis afar qodob ka kooban

0

Doha — Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar ayaa kalfadhigoodii koowaad ku yeeshay magaalada Doha, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, uu hoggaaminayo wafdi ka socda Muqdisho.

 

Guddigan, oo ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dowladood, ayaa kulankiisa lagu meel mariyay heshiisyo cusub oo lagu ballaarinayo wada-shaqeynta dhinacyo badan oo muhiim u ah labada dal.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Soltan bin Saad Al-Muraikhi, ayaa kala saxiixday afar heshiis oo ku saabsan:

1. Heshiiska Hidaha iyo Dhaqanka
Labada dal ayaa ku heshiiyay xoojinta iskaashiga maktabadaha, kaydinta taariikhda, qabanqaabada bandhigyada dhaqanka iyo farshaxanka, kobcinta aqoonta dhaqanka, iyo ka qaybgalka bandhigyada buugaagta caalamiga ah.

2. Heshiiska Kastamada
Heshiiskani wuxuu taageerayaa hirgelinta shuruucda kastamka, xakamaynta iyo la dagaallanka dembiyada kastamka, hubinta qiimeynta saxda ah ee canshuuraha, ilaalinta nidaamyada kastamka, iyo la dagaallanka xadgudubyada iyo tahriibinta, iyadoo la waafajinayo heshiisyada caalamiga ah.

3. Heshiiska Dhalinyarada
Dhinaca dhalinyarada, labada dal waxay ku heshiiyeen iskaashi ku saabsan is-dhaafsiga barnaamijyada dhalinyarada, ka qaybgalka shirarka iyo tababarro caalami ah, sahaminta xeryaha dhalinyarada, iyo xoojinta xirfadaha hoggaaminta iyo maareynta mashruuca.

4. Heshiiska Beeraha
Soomaaliya iyo Qatar ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta wax soo saarka beeraha, is-weydaarsiga xogaha sayniska, abaabulka shirar iyo siminaaro, isticmaalka teknoolojiyadda casriga ah, bacriminta, iyo kor u qaadista farsamooyinka kaydinta iyo aqalka dhirta lagu koriyo.

Heshiisyadan ayaa muujinaya sida labada dal ay ugu go’an tahay horumarinta iskaashi istiraatiiji ah oo ku wajahan dhaqanka, dhalinyarada, beeraha iyo kastamka, taas oo dhabbaha u xaaraysa xiriir wadajir oo xoojiya danaha labada dowladood iyo himilooyinka horumarineed ee mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here