Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Beledweyne & Safarka Cali Guudlaawe

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo ku aadan socdaal la filayo inuu maanta magaaladaas ku tego madaxweynaha HirShabelle.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa socdaalkiisa qayb ka ah wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Waddooyinka Beledwweyne ayaa sidoo kale la xiray, waxaana lagu daadiyey ciidamo dheeraad ah oo suga amniga guud ee magaaladaas.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaybo ka mid ah magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada la magac baxay Kacdoonka Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda HirShabelle.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyadan cusub ay saameyn ku yeesheen ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here