Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada-hadallo yeeshay + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya, Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef.

Labada mas’uul ayaa waxay kawada hadleen arrimaha laxariira iskaashiga amniga, ladagaalanka Al-Shabaab iyo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee taageera dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo dalka ka fuliyo mashaariicyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here