Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay horumarinta mashaariicda

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe iyo danjiraha dowladda China FEI Shengchao ayaa maanta ka wada hadlay horumarinta mashaariicda uu Shiinaha ka fulinayo Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta safaaradda ee Muqdisho.

Wasiir Dubbe ayaa safiirka uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee Dowladdiisu ka waddo Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay u fidiso Wasaaradda Warfaafinta, sida qalabeynta, horumarinta dhismaha Tiyaatarka iyo Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale safiirka uga mahad celiyay kaalinta Dowladda China ee ku aaddan dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya,wuxuuna xusay in ay Soomaaliya u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dowladda China iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay.

Safiirka Dowladda China FEI Shengchao ayaa Wasiirka Warfaafinta ugu mahad celiyay kulanka iyo booqashadiisa, wuxuuna ballan qaaday in ay xoojinayaan mashaariicda horumarinta dhaqanka iyo Warbaahinta.

Waxaa uu sheegay Safiirka in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi, islamarkaana dowladiisu taageerayso horumarinta dhismaha dowladnimada.

Wasiir Dubbe ayaa safiirka kala hadlay in dowladda China ay gacan ka gaysato gurmadka abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa soo noq noqoshadooda, sida in loo sameeyo waro iyo ceelal lagaga hortago biyo la’aanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here