Doorashada kuraas ka mid ah BF Somalia oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu soo gabagabeeyey doorashada toddobo kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, isla-markaana deegaan doorashadoodu tahay gobollada waqooyi.

Xubnaha la doortay ayaa kala ah:- xil. Cabdullaahi Cabdi Maxamed, xil. Nuuriya Aadan Ciise, xil. Maxamed Xasan Maxamed , xil. Faadumo Ismaaciil Xuseen, xil. Sahra Yuusuf Cige, xil. Caydaruus Saalax Yuusuf  iyo xil. Nuuradiin Col-ujoog.

Kuraasta Somaliland oo ka kooban 46 ayaa waxaa ka harsan oo keliya saddex mudane, kuwaas oo la filayo in maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabto Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here