Soomaaliya iyo Sweden oo Oslo ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga labada dal

0

Oslo, Norway – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula yeeshay Johan Berggren, Xoghayaha Dowladda u qaabilsan Arrimaha Dibadda ee Sweden, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

 

Kulanka ayaa qabsoomay intii uu socday shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Afrika iyo Waqooyiga Yurub (Africa-Nordic Foreign Ministers’ Meeting), oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka kala socda dalalka labada gobol.

Labada mas’uul ayaa kulankooda ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, iyagoo ka wada hadlay horumarinta arrimaha mudnaanta u leh labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dalka, dhismaha hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here