Golaha Iskaashiga Khaliijka oo cambaareeyay hadallo ka dhan ah Imaaraadka

0

MUQDISHO – Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jaasim Maxamed Al-Budeywi, ayaa cambaareeyay hadallo uu ku tilmaamay kuwo aan mas’uuliyad ku dhisnayn iyo olole warbaahineed oo lagu bartilmaameedsanayo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo uu sheegay inay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Bayaan lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayuu Al-Budeywi ku sheegay in Imaaraadka Carabta uu door weyn ka qaatay xoojinta amniga iyo xasilloonida, iyo dhiirrigelinta wada-hadallada u dhexeeya dalalka.

Waxa uu tusaale u soo qaatay martigelinta Imaaraadka ee wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada Ruushka iyo Ukraine, isaga oo sheegay in tallaabadaasi muujinayso doorka Imaaraadka ee raadinta nabadda iyo xasilloonida heer gobol iyo heer caalami.

Al-Budeywi ayaa intaa ku daray in eedeymaha ka dhanka ah Imaaraadka ay wiiqayaan dadaallada dalkaasi ugu jiro xoojinta wada-hadalka iyo iskaashiga gobolka iyo caalamka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa sidoo kale sheegay in dalalka xubnaha ka ah golaha ay sii wadi doonaan dadaalladooda ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo horumarka, isla markaana ay si adag uga soo horjeedaan olole kasta oo warbaahineed oo lagu waxyeellaynayo sumcadda dal ka tirsan golaha.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa dhaleeceeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay safiirkeeda uga ceyrisay dalka, iyaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid aan sabab lahayn oo muujinaysa cadaawad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaguna Imaaraadka ku eedeeyay inuu taageero maamullada gobollada ee ka soo horjeeda dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here