Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay iskaashiga difaaca iyo amniga Badda Cas

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Talyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi, waxaana looga hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada difaaca iyo amniga.

Mas’uuliyiintu waxay si gaar ah uga wada hadleen isbeddellada amni ee ka soo cusboonaaday gobolka, gaar ahaan xaaladda Badda Cas iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga Soomaaliya iyo gobolka, iyo sidoo kale isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta looga hortagayo khataraha amni ee labada dhinac ay wadaagaan iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada istaraatiijiga ah ee Talyaanigu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada difaaca iyo amniga, xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay wajahayaan caqabado amni oo isa soo taraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here