Muqdisho, 15 November 2025 – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, halkaasoo ay ka yeesheen kulan miro-dhal ah oo ku saabsan iskaashiga labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kalluumeysiga, ilaalinta kheyraadka badda, dardargelinta heshiisyadii horey u dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dowladda Turkiga, iyo kor u qaadidda xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga ayaa ballan-qaadday tababaro heer sare ah iyo barnaamijyo waxbarasho oo jaamacadeed, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh dhaqaalaha buluugga ah iyo maareynta kheyraadka badda.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo Dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah, isagoo xusay in kulanku yahay mid guul leh oo muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta kalluumeysiga oo ka mid ah tiirarka dhaqaalaha dalka.
Dhinaciisa, Safiir Alper Aktaş ayaa adkeeyay sida ay Turkiga uga go’antahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada, waxbarashada, iyo barnaamijyada kobcinta kheyraadka badda, isagoo sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga labada dal.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaalaha buluugga iyo horumarinta kheyraadka badda ee dalka.




