Soomaaliya iyo UK oo ka wada-hadlay ixtiraamka midnimada labada dal

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford,

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee labad Dal.

Sidoo kale waxa ay diiradda saareen kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Ugu dambeyn wasiir Cabdisaciid Muuse ayaa uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here