MUQDISHO — Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Christophoros Politis.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, gaar ahaan horumarinta adeegyada amniga iyo booliska, dardargelinta maalgelinta mashaariicda mudnaanta leh iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha jira.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya, si loo horumariyo adeegyada ay shacabka u fidiyaan.
Fartaag ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha hay’ado amni oo awood leh ay muhiim u tahay xaqiijinta amni waara, xasilloonida dalka iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo booliska, iyadoo taageero ka helaysa hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibbada Soomaaliya.



