Soomaaliya oo ansixisay qabyo-qoraallada 12 istaraatiijiyadood oo lagu horumarinayo silsiladaha qiimaha beeraha iyo xoolaha

0

Muqdisho – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Xoolaha, Kaymaha iyo Daaqa ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shirka Qaran ee Ansixinta Istaraatiijiyadaha Horumarinta Silsiladaha Qiimaha, kaas oo looga dooday laguna ansixiyay qabyo-qoraallada 12 istaraatiijiyadood oo uu taageeray Mashruuca Adkeysiga Nidaamyada Cuntada ee Soomaaliya (FSRP), oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.

 

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Dr. Aamir, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xoolaha, Kaymaha iyo Daaqa, Dr. Guuleed, uu jeediyay khudbadda shirka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si qoto dheer loo lafa-guro 12-ka istaraatiijiyadood, lagana wada tashado ansixintooda. Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale laga hadlay muhiimadda horumarinta silsiladaha qiimaha ee nidaamyada cuntada Soomaaliya, kor u qaadista tartan-karnimada suuqyada iyo hagaajinta nolosha wax-soo-saareyaasha.

Ka-qaybgalayaasha ayaa dood ballaaran ka yeeshay qodobada istaraatiijiyadaha, iyagoo is-weydaarsaday su’aalo iyo talooyin ku aaddan sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha, loona xoojin lahaa fursadaha suuq-geynta.

Intii uu shirku socday, ka-qaybgalayaashu waxay isku raaceen talooyinkii ay soo jeediyeen kooxaha ka shaqeeyay istaraatiijiyadaha. Waxaa la ansixiyay qabyo-qoraallada istaraatiijiyadaha, iyadoo lagu xiray in lagu daro wax-ka-beddelladii lagu heshiiyay. Sidoo kale, waxaa la dejiyay tallaabooyinka xiga, mas’uuliyadaha iyo jadwalka waqtiga ee lagu dhammaystirayo istaraatiijiyadaha.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada wasaaradood ee lagu xoojinayo silsiladaha qiimaha beeraha iyo xoolaha, lagu kordhinayo wax-soo-saarka, lagu tayeynayo badeecadaha, laguna ballaarinayo fursadaha suuq-geynta gudaha iyo dibadda.

Ugu dambeyn, labada agaasime guud ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay dhammaan ka-qaybgalayaashii shirka, oo ay ku jireen wakiillo ka socday labada heer ee dowladda, khubaro, beeraley iyo ganacsato. Waxay sidoo kale adkeeyeen ka-go’naanshaha dowladda ee xoojinta iskaashiga lagu horumarinayo beeraha iyo xoolaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here