Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Toddobaadka Kalluumeysiga Qaranka 2026

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay Madasha Toddobaadka Kalluumeysiga Qaranka Soomaaliya 2026, halkaas oo uu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay maalgashadaan khayraadka badda, kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha dalka.

 

Wasiirka ayaa fursadahan ku tilmaamay kuwo ay dalal badan oo caalamka ahi u tartamayaan, isla markaana laf-dhabar u noqon kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Madashan oo sannad walba la qabto ayaa isu keenta hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, maalgashadayaasha caalamiga ah, bangiyada, hay’adaha horumarinta iyo bulshooyinka kalluumeysatada, si loo xoojiyo maalgashiga kalluumeysiga iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.May be an image of dais and textMay be an image of lighting, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here