Soomaaliya oo bandhig ballaaran uga qayb-gashay dalka Shiinaha + Sawirro

0

BEIJING (SMN) – Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa maanta magaalada Beijing uga qeyb galay Bandhiga Carwada 13-aad ee Maalgashiga Dibadda ee Shiinaha (COIFAI), iyadoo halku-dhigga sanadkan ee hindisaha cusub Shiinaha ee ” Belt and Road Initiative” uu yahay qarni cusub, Maalgelin Cusub, horumar Cusub.”

 

Bandhigan oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha (CODA), ayaa isu keenay in ka badan 500 oo wakiillo ah oo ka kala yimid dalal kala duwan si ay uga wada hadlaan una sahamiyaan fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee hoos yimaada Hindisaha cusub “Belt and Road Initiative” ee Dowladda Shiinaha ay ku dooneyso in ay horumar kaga sameyso dalalka soo koraya.

Danjire Kullane oo furitaanka bandhigga Carwada khudbad ka jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay Carwada u leedahay horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo sidoo kale, ku dheeraaday soo bandhigidda fursadaha iyo faa’iidooyinka maalgashi ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Mudane He Zhenwei, Guddoomiyaha CODA, martiqaadka uu u fidiyey, wuxuuna ku bogaadiyey ururka sida ay uga go’an tahay kobcinta iskaashiga iyo mashaariicda maalgashiga caalamiga ah.

Fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya, waxay ahayd qeyb kale muhiim ah oo uu safiirku si weyn u iftiimiyay. Soomaaliya waxay leedahay dhul barwaaqo ah oo cimilo wanaagsan leh. Danjire Kullane ayaa ku booriyay maalgashadaasha Shiinaha in ay sahmiyaan farsamooyinka Beeraha ee casriga ah warshadaha tayada leh si kor loogu qaado sugnaanta cubtada, dhoofinta iyo abuuritaanka fursado shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here