Sawirro: Wasiir ku xigeenka caafimaadka XFS oo kulamo ka wada Addis Ababa

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Xildh. Dr. Maxamed Xassan Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Dr. Lie Wasiirka Cafimaadka dalka Ethoipia.

 

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadilahaa iskaashiga labada waasaradood ee dhinaca khibrad wadaaga iyo dhismaha kaabayaasha adeegga caafimaad waxa aana la isku afgartay in Ethiopia ka caawiso Soomaaliya sare uqaadista tayadda aqoonta iyo khibarada shaqaalaha caafimaadka iyo horumarinta xarumaha caafimaadka Qaranka.

Sidoo kale Labadda wasiir ayaa isku afgartay in iskaashiga wasiiradda Bariga Africa sare loo qaado isla markaana si wadajir ah wasiiradda wasaaraddaha caafimaadka wadamadda Bariga Africa ka wadashaqeyaan horumarinta tayadda caafimaadka Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here