Soomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA)

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay sharciga ansixinta heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaddib markii uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa u gogol-xaaraysa in Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqoto suuqa ganacsi ee ugu weyn Afrika.

 

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in saxiixa Madaxweynaha uu u oggolaanayo Soomaaliya inay u gudbiso dukumeentiga ansixinta Guddiga Midowga Afrika, taas oo ah tallaabada ugu dambeysa ee lagu dhammaystirayo xubinnimada dalka ee heshiiskan.

Heshiiska AfCFTA, oo uu aas-aasay Midowga Afrika, ayaa ujeeddadiisu tahay in la yareeyo caqabadaha hortaagan ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika, lana abuuro hal suuq oo mideeya in ka badan 1.4 bilyan oo qof iyo dhaqaale lagu qiyaaso $3.4 tirilyan, taasoo ka dhigaysa aagga ganacsiga xorta ah ee ugu weyn dunida marka loo eego tirada waddamada xubnaha ka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku biirista AfCFTA ay fursad siin doonto ganacsatada Soomaaliyeed inay si sahlan u gaaraan suuqyada dalalka Afrika, isla markaana ay kor u qaadi doonto dhoofinta wax-soo-saarka dalka, soo jiidashada maalgashiga, horumarinta warshadaha, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhaqaalaha ayaa tilmaamaya in faa’iidooyinka heshiiska ay ku xirnaan doonaan sida ay Soomaaliya u hirgeliso shuruudaha heshiiska, u horumariso kaabayaasha dhaqaalaha iyo awoodda wax-soo-saarka gudaha si ay uga faa’iideysato fursadaha uu bixiyo suuqa mideysan ee Afrika.

Ganacsiga AfCFTA ayaa si rasmi ah u billowday 1-dii Janaayo 2021, iyadoo xarunta Xoghayntiisu ay ku taallo magaalada Accra ee dalka Ghana. Inkasta oo heshiisku uu yahay mid taariikhi ah, haddana wuxuu weli wajahaa caqabado ay ka mid yihiin hirgelin gaabis ah, kaabayaal dhaqaale oo liita iyo ganacsiga xuduudaha Afrika oo weli aan gaarin heerkii la filayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here