Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada Xuutiyiinta ay ku qaadeen Sacuudiga

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro ay maleeshiyaadka Xuutiyiinta ku qaadeen goobo rayid iyo xarumo dhaqaale oo ku yaalla koonfurta Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xaqiijiyeen in weerarradaasi ay sababeen dhaawaca tobannaan qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in si ula kac ah loo beegsado dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka ah ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana ay tahay tallaabo halis ah oo sii kordhinaysa khatarta amni ee ka jirta Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ku teedsan Badda Cas ayaa walaac xooggan ka muujisay weerarrada joogtada ah ee lagu hayo maraakiibta ganacsiga, iyadoo sheegtay in falalkaasi ay khatar ku yihiin xorriyadda iyo amniga isu-socodka maraakiibta ganacsiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan weerarrada, isla markaana dib loogu laabto dadaallada iyo wadahadallada siyaasadeed ee lagu doonayo in xal looga gaaro colaadda Yemen.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa muujisay garab istaag buuxa oo ay u hayso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo walaac iyo tacsi la wadaagtay dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarrada, isla markaana u rajeysay dadka dhaawacmay bogsiin degdeg ah oo buuxda.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here