Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026, oo muddo laba maalmood ah socotay.
Madasha oo qabsoontay 7–8 Sebtembar ayaa waxaa ka qeyb galay hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, bahda warbaahinta, saaxiibada caalamka, ururrada bulshada rayidka, aqoonyahanno iyo saameeyayaasha baraha bulshada.
Madasha oo halku-dhiggeedu ahaa “Qaabaynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah” ayaa diiradda lagu saaray casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka warbaahinta dowladda, helitaanka xog sugan, la-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah iyo garaadka macmalka ah (AI), iyo sare u qaadista anshaxa iyo xirfadda saxaafadda.
Intii ay Madashu socotay ayaa sidoo kale looga hadlay fursadaha iyo caqabadaha ka dhashay horumarka teknoolojiyadda, iyo doorka warbaahintu ku leedahay dib-u-xoreynta, xasillinta, gurmadka bani’aadannimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Madasha lagu qabtay kulan gaar ah oo ay yeesheen Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda warfaafinta dowladda, hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee Xiriirka Warbaahinta iyo mideynta farriimaha muhiimka ah ee dowladda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ka qeyb galay xiritaanka Madasha, ayaa sheegay in xilligan loo baahan yahay in la xoojiyo la qabsiga casriyeynta warbaahinta iyo wacyigelinta bulshada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago wararka been-abuurka ah, marin-habaabinta iyo isku-diridda bulshada.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba, oo ku hadlayay magaca dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa isna ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo la-qabsiga warbaahinta casriga ah.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay casriyeynta warbaahinta dalka, kobcinta xirfadaha bahda warbaahinta iyo dhismaha jawi warbaahineed oo lagu kalsoonaan karo.
Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Kala-guurka Soomaaliya (UNTMIS) taageerada uu ka geystay qabsoomidda Madasha, isagoo bogaadiyay dhammaan hay’adihii iyo dhinacyadii ka qeyb qaatay.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inay diyaarin doonto warbixin dhammeystiran oo lagu ururinayo natiijooyinka, talooyinka iyo qodobadii kasoo baxay labada maalmood ee Madasha, taas oo saldhig u noqon doonta qorshe-hawleedka dabagalka iyo horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed.
Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa kusoo dhammaatay is-afgarad ku saabsan in Madashu noqoto hannaan qaran oo joogto ah, laguna sii xoojiyo wada-tashiga, isku-duwidda iyo iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya horumarinta warbaahinta iyo warfaafinta Soomaaliya.




